DHAGEYSO:- Xasan Sheekh oo canaantay ganacsatada Soomaaliyeed, uguna baaqay hal Arrin

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay dhiira gelinayaan ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ganacsatada Soomaaliya ay qeyb ka yihiin hormarinta dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in gacansatada ay yihiin kuwa u diyaarsan hormarinta dhaqaalaha Dalka isla markaana Dowlada Soomaaliya ay dhiira gelineyso.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Siyaasada Dowlada Federaalka Soomaaliya ay qeyb ka tahay hormarinta iyo dhiira gelinta ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib markii uu Xariga ka jaray Terminaal Cusub oo loo sameeyay Dekeda Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-