DHAGEYSO:- Wasiirada Haweenka oo sheegtay in loo baahan yahay in la muujiyo doorka Haweenka ee Siyaasada Soomaaliya

0

Wasiirka wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka ee Xukuumada Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in iminka loo baahan yahay in la ilaaliyo qoondada ay Haweenka Soomaaliya ku yeelanaya Siyaasada dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in mar kale hoos loo dhigo doorka Haweenka ay ku leeyihiin ka qeyb galka Siyaasada Dalka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in Haweenka soomaaliyeed ay mideysan yihiin isla markaana ay diyaar u yihiin iney si sax ah ku raadsadaan xuquuqdooda.

Wasiirka wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka ee Xukuumada Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa xustay in isbedelka dalka ka dhacayo loo baahan yahay in ay qeyb ka noqdaan Haweenka Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-