DHAGEYSO:- Saddex nin oo laba ay ciidan yihiin oo lagu xiray Muqdisho ka dib markii lagu helay Arrin halis ah

0

Ciidamada ammaanka, ayaa Axadii Magaalada Muqdisho ku xiray saddex nin, oo laba ka midda ay ka tirsan yihiin Ciidanka Militariga Somaliya, ka dib markii lagu eedeeyay inay dhac gaysteen.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa waxaa uu sharaxaad ka bixiyay qaabka lagu soo qabtay eedeysanayaasha.

“Saddexdan nin aad u jeedaan laba ka mid ah waxay ka tirsn yihiin Ciidanka Xoogga Dalka, midka kalana wuxuu darawal ka ahaa mooto bajaaj.” Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

“Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Degmada Hawlwadaag ayaa ku baxay iyagoo moobeelo ku dhacaya Degmada Hawlwadaag, waxay damceen inay cararaan, iyagoona u cararay Degmada Xamar Weyne, halkaas ayaana laga soo qabtay.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-