DHAGEYSO:- Finland oo sheegtay in ay ka baxayso howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda

0

Kulan ay yeesheen golaha wasiirada dowladda Finland ayaa lagu sheegay in dowladda Finland ay soo afjari doono howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Finland ayaa sheegay in guud ahaanba finland ay jooji doono howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee ka socda Soomaaliya,islamarkaana ay diyaar u tahay in howlgalkaas loo wareejiyo meelo kale madam ay yaraatay khatartii kooxaha burcad badeeda ee ay ku hayeen xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Finland ayaa qeyb ka aheyd howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda ee Atlaanta waxaana muddo sanado ah ku sugnaa xeebaha Soomaaliya ciidamo ka socda dowladda Finland.

Dowladda Finland ma shaacin sababta rasmiga  ah ee ay uga baxayso howlgalka Atlaanta ee la dagaalanka Burcadbadeeda.

Howlgalka la dagaalanta Burcad badeed ayaa dowladda Finland waxay kusoo biirtay sanadkii 2008 ka dib markii ay afduubteen kooxaha burcad badeeda maraakiib laga leeyahay dalka Finland iyo sidoo kale muwaadiniin u dhashay dalkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-