WAR DEG DEG AH:- Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka G/Banaadir oo loo Magacaabay Shaqsi caan ah

0

War goor dhaw ay heshay Shabakada Wararka Allgalgaduud.com ayaa sheegaya in Sheekh Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe loo Magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir.

Warka ay sidoo kale heshay Shabakada Wararka Allgalgaduud.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu saacadaha soo socdo ku dhawaaqayo magacaabista Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in Madaxweynaha iyo la taliyeyaashiisa ay isku raaceen in Sheekh Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe loo Magacaabo Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir.

Sheekh Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe ayaa horay Xilal dhowr ah kasoo qabtay Dalka, waxaana ugu dambeeyay Xilka Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulalka ee Gobolka Banaadir oo illaa iyo hadda ku magacaaban yahay.

Sawirka hoose waa Gudoomiyaha Cusub…

saalax dhiblaawe