WAR DEG DEG AH:- Galgaduud oo lagu qabtay Shan ruux oo dil ka geystay Gobolka Mudug

0

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Somaliya ciidamada ammaanka deegaanka Gadoon ayaa gacanta ku dhigay Shan ruux oo fal dil ah geystay.

Shantaan ruux ayaa dil waxa ay ka geysteen deegaanka Warshubo oo ka tirsan Gobolka Mudug, waxaana ay u soo baxsadeen dhanka Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ammaanka Deegaanka Gadoon ayaa ka war helay dadkaan inay ganbaad ka dhiganayaan deegaankaasi, kadib markii Warshubo ay ku soo dileen labo ruux.

Guddoomiyaha Gadoon Cabdi Axmed Yuusuf oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in raggan ay dib ugu celin doonaan deegaanka Warshubo ee dilkan ka soo geysteen islamarkaana halkaasi cadaaladda lagu marin doono.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in ragga dilkan ay u fuliyeen aano qabiil, wuxuuna xusay in 5-ta qof ee ay hayaan mid ka mid ah uu yahay dhaawac.

“Ciidamada ammaanka ayaa Gadoon ku qabtay Shan nin oo dhalinyaro ah, waxay doonayeen in deegaanka ay gambaad ka dhigtaan, laakiinse dib ayaa loogu celin doonaa deegaanka Warshuban ee falkaan ku geysteen, ninkii dhaawaca ahaa Isbitaalka ayaan dhignay.” Ayuu yiri Guddomiyaha.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa ku badan dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka ah oo geysanayaan dadka reer Miyiga ah.