WAR DEG DEG AH:- Ciidanka gaarka ah ee Somaliland oo 3 Ruux ka xiray Magaalada Hargeysa

0

Ciidamada Booliska Ee RRU-du Oo Magaalada Hargeisa Ku Qab Qabtay Dad Looga Shaki Sanyihiin Inay Ka Tirsan Yihiin Al, Shabaab.

Ciidamada Booliska Ee RRU-du Oo Magaalada Hargeisa Ku Qab Qabtay Dad Looga Shaki Sanyihiin Inay Ka Tirsan Yihiin Al, Shabaab Hawl-gal Ciidammada sida gaarka ah u Tababbaran ee loo yaqaanno RRU-du ka sameeyeen Xaafadda Boqol iyo Kontonka ee Magaalada Hargeysa ayay ku soo qabteen Saddex Qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Dalka Soomaaliya. Ma Jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Ciidammada Ammaanka oo la xidhiidha Hawl-galka Ciidanku ka sameeyeen Xaafadda Boqol iyo Kontonka ee Hargeysa, laakiin Ilo-wareedyo ayaa Batalaalenews u sheegay in Hawl-gal Ciidammada RRU-du Duhurnimadii Jimcihii Doraad sameeyeen halkaasi ku soo qabteen Saddex Ruux oo midkood Haweenay tahay, kuwaasi oo la sheegay in looga shakisan yahay Argagixisonimo.

Warka ayaa intaa ku daraya, in RRU-da oo raacaya Sahan Ciidammada Sirdoonku sameeyeen ay u daateen laba Guri oo midkood yahay Jiingad, isla-markaana ay ka soo qabteen Saddexda Qof ee laga shakisan yahay.

Batalaalenews uma suurto-gelin inuu Helo Masuuliyiinta Hay’adaha Ammaanka Somaliland oo wax laga waydiin lahaa Hawl-galkan Dadka lagu qab-qabtay, laakiin qaar ka mid ah Dadka Deggen Xaafadda ay ku yaalaan Guryaha laga soo qabtay Saddexda Ruux, ayaa sheegay in Ciidanka RRU-du guryaha ay Dadkan ka qabteen ka heleen Hub nooca fudud ah.

Dhanka kale, intii Hawl-galkani socday, waxa aad loo adkeeyay Ammaanka Xaafadda ay ku yaallaan laba Guri ee Saddexda Qof laga qabtay, iyadoo Ciidan badan la dhigay Guryaha kale ee Xaafaddaasi hortooda.