Dad ka ganacsanayay iyo kuwa Isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya oo laga soo qab qabtay Duleedka Muqdisho

0

Cali Xasan Cali Guddoomiye ku xigeenka Guddoomiye ku xigeenka Deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay howlgal Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaanno Mucayin ah lagu soo qabtay kooxo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in dadka la soo qabtay ay ka mid yihiin kuwa ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya , waxaana waxyaabaha dadkaasi lagu soo qabtay ka mid ah, Xashiiska , Khamriga iyo waxyaabo kale.

“ Dadka Shacabka ah ayaa na soo gaarsiiyay dhibaatada meesha ka taagan weliba ay ugu darantahay xilliga Habeenkii ah , anagana waan ku dhaqaaqnay” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho Cali Xasan Cali.

Dhawaan ayey ahayd markii Howlgallo laga sameeyay Magaalada Muqdisho markii lagu soo qab qabtay dadka ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya kuwaas oo loo gudbiyay Xabsiga dhexe ee Xamar.