14 Saraakiil Ajaanib ah oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Afghanistan

0

Ugu yaraan 14 Sarkaal oo Ajaanib ah ayaa ku dhimatay Qarax saaka oo Isniin ah ka dhacay Magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.

Saraakiisha dhimatay ayaa la socotay gaari bas ah oo maraayay Bartamaha Magaalada Kabul, gaar ahaan wadada Magaalada Jalalabad.

Saraakiisha ku geeriyootay gaariga baska ah ee la qarxiyay ayaa la sheegayaa inay asal ahaan ka soo jeedaan dalka Nepal, sida ay shaaciyeen Saraakiisha Booliska dalkaasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee todobaadyadii la soo dhaafay ka dhaca caasimada Afghanistan, isla markaana ah weerarkii ugu balaarnaa oo lagu soo beego bisha barakeysan ee Ramadanka.

Kooxda Talibanka ayaa sheegatay weerarkan iyadoo ku goodisay inay sii laba jibaari doonto weerarada xiligan lagu jiro ee xagaaga.

Ma jirin Khasaare kale oo ka dhashay Qaraxa gaarigaasi baska ah, balse dadkii saarnaa oo kaliya ay ahaayeen Saraakiisha dalka Nepal ka soo jeeda, ayaa halkaasi ku geeriyooday.