DHAGEYSO:- Qoysas danyar ah oo eedeeyn u jeediyay Madaxda Dowlada ka dib markii ay guryahooda biyo buuxsameen

0

Xili ay roobab xoogan saacadihii ugu dambeeyay ka da’ayeen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saameyn ballaaran ay ku yeesheen Dadka ku nool inta u dhaxeysa Xaafada Buulo-Xubey iyo Ceel-Qalow ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah Dadka ku nool xaafadahaasi ayaa sheegay in Guryahooda ay Biyo ka soo saareen, kuwa kalena ay dumiyeen Roobabka, taasi oo ku micneeyay in ay ka dhasheen qulqulka biyaha uu sameeyay Roobabka ee buux dhaafshay goob Biyo Fariisin ah oo Maamulka Degmada Wadajir uu ka sameeyay Xaaafadahaasi.

Dadkan ayaa Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Baanadir waxey ku eedeeyeen in uu ka gaabiyay wax ka qabashada iyo ka warqabka Dadka uu wakiilka ka yahay.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah Dad barakacayaal oo ah oo ku nool Guryo ka sameysnaa cooshada oo ku yaalla Xaafada Buulo-Xuubeey ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in maalmo ay banaanka ka joogaan Guyahooda kadib markii Biyo ekeeyay Buushashkoodii.

Hoos ka Dhageyso Codadka dadka Cabanaya:-