DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in la balaarinayo Dekeda Muqdisho

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jarey terminal cusub oo loo sameeyey Dekedda Caalamiga ee magaalada Muqdisho, kaas oo loogu talagaley fududeynta adeegga dekedda.

Terminalkan cusub oo ah nooca loo yaqaan “Dry Port” oo ku yaalla meel ka yara baxsan dekedda ayaa loo adeegsan doonaa in la dhigo dhammaan konteenarada laga soo dejiyo Dekedda Muqdisho, halkaasina lagu marsiin doono nidaamka dejinta ee isugu jirta baarista, sugidda iyo canshuuraha badeecadaha kala duwan.

Waxaa Terminalkan cusub uu culeyska ka qaadi doona Dekedda Muqdisho, iyadoo la filayo in sidoo kale ay fududaan doonto muddada dejinta badeecadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay waxaa uu u mahad celiyay shirkadda SIMATECH International oo iyadu maalgelisay hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

“Siyaasadda dowladda ee dhinaca dhaqaalaha waa mid ku dhisan dhiirigelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay. Mashruucan ay shirkada Simatech ka fulisay Muqdisho waxaa u daliil cad u yahay in aan diyaar u nahay maalgashi dhaqaalaheena lagu kobcinayo. Waxaa qorshaha inoogu jira in aan sameysano xarumo kale oo dekedaha noocaan loo yaqaano “Dry Port’’ si aan ula jaanqaadno kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha dalkeena’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shaaca ka qaaday inuu jiro qorshe lagu ballaarinayo Dekedda magaalada Muqdisho iyo dekedaha kale ee muhiimka ee dalka ku yaalla.

Munaasabaddan oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan labada gole ayaa sidoo kale waxaa ka hadley Guddoomiyaha Shirkadda SIMATECH International, Mohamed Reza Maghami.

Hoos ka Dhageyso Codka:-