DHAGEYSO:- Faah Faahino ka soo baxaya Mooto Bajaaj ku qaraxday Muqdisho

0

Wasaarada Amniga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay Mooto Bajaaj iyo ninki waday oo ku qarxay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaarada Amniga gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya C/kaamil Shukri Macalin ayaa Idaacada Risaala u sheegay in Ciidamada amaanka ay daba jireen marki ay qarxeysay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in khasaaraha ka dhashay Qaraxa Mooto Bajaajta uu ku koobnaa o keliya ninkii waday Mootada.

Afhayeenka Wasaarada Amniga gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya C/kaamil Shukri Macalin ayaa sidoo kale ka warbixiyay koormeer uu Wasiirku amniga ku tagay qaar ka  mid ah Iskoosyada Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ujeedka kormeerkaas uu aha sidii Ciidamada amniga loogu dhiira gelin lahaa iney sii xojiyaan adkeynta amniga Iskoosyada Muqdisho.

Maalmihii dambe ayaa Ciidamada amaanka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Booliiska ayaa howlgalo joogto ah waxa ay ka sameynaayeen Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-