DEG DEG:- Puntland oo beenisay in ay dil ku xukuntay Caruur aan qaan gaarin

0

Iyadoo Puntland ay Sabtidii xukun dil ah ku xukuntay 43 ka mid ah maxaabiistii Ururka Al-shabaab looga qabtay duulaankii ay bartamihii bishii March ku qaadeen Deegaanada Puntland, ayaa waxay Puntland beenisay in ay dil ku xukuntay carruur aan qaangaar ahayn.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland ee Gobolada Nugaal iyo Sool, C/laahi Xersi Cilmi, ayaa si adag u beeniyay in ay dil ku rideen carruur yar yar, xilli Saxaafadda qaybteed ay warkaasi tebisay.

Xeer Ilaaliyaha, ayaa sheegay in Xarunta Maxkamadan oo ku taala Magaalada Garoowe la horkeenay 45 nin, oo Shabaabka laga qabtay bishii March, isla-markaana ay dil ku xukuntay 43 ka mid ah, halka labada kalana dib loo dhigay Maxkamadayntooda, iyagoo aan gaarin buu yiri da’da qaangaarka ee 18-ka sano.

Goobta lagu Maxkamadeeyay maxaabiista ka tirsan Al Shabaab, ayuu sheegay inay goobjoog ka ahaayen hay’ado caalami ah, isla-markaana aanu shaki ku jirin in maxaabiistu yihiin kuwo qaangaar ah.

Maxaabiista la xukumay, ayuu sheegay in ay Maxkamadda ka hor qirteen inay ku soo duuleen Puntland, isla-markaana uu Dastuurka Puntland qeexayo cidii ku soo xadgudubta haybadda iyo calanka Puntland uu xukunkeedu yahay dil toogasho, sida uu yiri.

C/laahi Xersi oo Warbaahinta kula hadlaayay Magaalada Garoowe, ayaa ugu dambeen sheegay dadka dilka lagu xukumay in muddo 30 cisho ihi, ay rafcaan kaga qaadan karayan xukunkan.

Qareenada difaacaysay maxaabiistan, ayaa Warbaahinta u sheegay inay rafcaan ka qaadan doonaan xukunkaasi, mudada ay xaqa u leeyihiin inay kaga qaataan.