Xiisad Colaadeed oo Saakay ka taagan Xadka ay wadaagaan Dowladaha Eritrea iyo Itoobiya

0

Xiisad colaadeed ayaa ka taagan xuduuda ay wadaagaan dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, halkaasoo laga soo sheegayo abaabul dagaal iyo mid ciidan, iyadoo labada dhinac uu dagaal kooban dhex maray Axadii iyo Isniintii.

War qoraal ah oo maanta ka soo baxay dowladda Eritrea ayaa lagu sheegay in dagaalkii axadii dhacay ay ku dileen illaa 200 askar Itoobiyaan ah, halka 300 kale ay dhaawaceen.

Eritrea ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya ay duulaan ku soo qaadeen aagg ciidan oo ay ku sugnaayeen, waxaana Golaha ammaanka ugu baaqeen inay cambaareeyaan ficilkaas.

Dadweynaha ku dhaqan waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya inay arkayeen boqolaal ciidamo iyo gaadiid gaashaaman oo ku wajahan xuduuda labada dal ay ku muransan yihiin.

Qaramada Midoobey ayaa u xukmisay Eritrea deegaanka Badhame oo ay horay isugu heysteen labada dal, hase ahaatee Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay.

Mareykanka iyo dalalka reer galbeedka ayaa walaac ka muujiyay dagaalkii dhacay horaantii todobaadkan, waxayna labada dhinac ugu baaqeen inay xaalada dejiyaan.