DHAGEYSO+SAWIRO:- Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Saraakiil ka socotay Bankiga Aduunka

0

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 18-June-2016 xafiiskiisa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafti ka socdey xarunta Bangiga adduunka ee Washington oo uu hoggaaminayo Provel Kumar oo ah dhaqaale yahan ka tirsan masuuliyiinta xafiiska  bangiga adduunka ee Washington.

Ujeedka socdaalka waftigaan ayaa salka ku hayey horumarinta siyaasadda dhaqaalaha  iyo dib usoo kabashada dhaqaalaha ee guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland oo uu dardar ku socdo koboca dhaqaaleheedu.

Waftiga ayaa sidoo kale waxa ay kulmo la qaateen Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Rugta ganacsiga Puntland iyo hay’adda maal-gashiga Puntland ee PIDA, waxaana ay kala hadleen sidii loo sii  horumarin lahaa dhaqaalah Puntland ee kobcaya iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Puntland iyo Bangiga adduunka.

Sidoo kale waftigaan ayaa Madaxweynaha Puntland ku ammaanay hannaanka siyaasadda horumarinta dhaqaalaha Puntland oo si heer caalami ah loo dejiyey taas oo horseed u noqonaysa in ay ku dhiirradaan waddamada saaxiibka la ah Puntland, hay’adaha caalamiga ah ee deeqaha bixiya iyo Bangiga Adduunka oo xiriir dhow la leh Puntland.

Ugu dambayn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay sii xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Puntland iyo Bangiga adduunka isla markaana waxa uu ku boorriyey wafdiga ka socdey Bangiga adduunka in ay dar-dar geliyaan dhinacooda adkaynta xiriirkaasi wada shaqayneed ee ka dhexeeya Puntland iyo Bangiga Adduunka.

Hoos ka Daawo Sawirada, kana Dhageyso Codka:-

1 2 3 4