SAWIRO:- Ku dhawaad 10 Xildhibaano oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo la Maxkamadeeyay ka dib marki lagu helay Arrimo Xasaasi ah

0

Sideed ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya, ayaa waxay Jimcihii ka soo muuqdeen Maxkamadda Milimani ee Magaalada Nairobi, ka dib markii lagu eedeeyay inay ku hadaaqeen hadalo naceyb ah, isla-markaana kicin karay dadweynaha.

Xildhibaanadan, ayaa ka kala tirsan Xisbiyada Cord iyo Jubilee. Shan ka mid ihi waxay ka tirsan yihiin Xisbiga Mucaaradka Cord, ee uu hogaamiyo Ra’iisal Wasaarihii hore Kenya, Raila Odinga.

Xildhibaanadan oo Talaadadii lagu xiray Saldhiga Pangani ee Magaalada Nairobi, ayaa waxaa loo diiday inay la kulmaan hogaamiye-yaashooda iyo asxaabtooduba.

Qaadiga Maxkamadda Milimani, Francis ole Kaparo, ayaa waxaa uu Xildhibaanadu ku eedeeyay inay ku kacayn hadalo ay ku kicinayen bulshada, inkastoo qaadigu uu lix ka mid ihi uu ku sii daayay damiin lacageed.

Xildhibaanadan waxaa mid walba lagu sii daayay damiin lacageed oo dhan 300,000 oo shilinga Kenya ah.

Qaadiga Maxkamadda waxaa uu Xildhibaanadu uu si adag ugu adkeeyay inay ka fogaadan hadalada naceybka xambaarsan, haddii kalana aan markale loo ogolaan doonin in damaanad lagu sii daayo.

Xildhibaanada la soo taagey Maxkamadan, ayaa kala ah Junet Mohamed, Johnson Muthama, Aisha Jumwa, Florence Mutua, Moses Kuria, Ferdinand Waititu, Kimani Ngunjiri iyo Timothy Bosire.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Maxkamad Maxkamad1 Maxkamad2 Maxkamad3 Maxkamad4 Maxkamad5 Maxkamad6