Dowlada Ciraaq oo sheegtay iney dagaal ku qabsatay Magaalada Falluuja

0

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq ayaa sheegay in magaalada Fallujah la qabtay.

Qudbad uu telefishenka ka jeediyay ayuuna ku sheegay in Fallujah ay gacanta soo gashay.

Waxuu intaasi raaciyay in magaalada ay ku harsan yihiin koox yar oo Daacish ah.

Ra’’isul wasaaruhu waxuu cadeeyey in saacadaha soo socda la nadiifin doono magaaladda

Qudabada uu jeediyay ayuu ku sheegay in magaalada Mosul ay noqon doonta meesha labaad ee la qaban doono.

Ciidanka dowladda ayaa qabtay dhismooyin ay dowladu leedahay oo Fallujah ku yaala.

Afar isbuuc ayuu dagaal ka socday magaaladaasi oo ay mudaba haysteen koocda Daacish.

Magaaladda Fallujah 50Km ayay u jirtaa caasimada Baqdaad ee dalka Ciraaq