DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeyay ee dagaalkii ka dhacay gobolka Sh/Hoose

0

Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa gelinki dambe ee shaly ku dagaalamay ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay ka dib markii ururka Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Kolonyo Militeri oo ay wateen ciidamo ka tirsan Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo marayay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay dagaalka ayaa sheegay in khasaare badan dagaalka ay ku gaarsiiyeen Al-shabaab.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku dileen 7 Shabaab ah halka sidoo kalena uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen 5 ka mid ah dagaalyahanada Shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa xilliga uu weerarka dhacayay waxay ay ku siijeedeen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa Saakay degan Xaalada guud ee gobolka Sh/Hoose gaar ahaan qeybtii shalay galab lagu dagaalamay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-