DHAGEYSO:- Mareykanka oo sheegay in Al-Shabaab ay ku dhaw yihiin Burbur

0

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay, waxa ay sheegtay Ururka Mayalka adag ee Shabaab oo Somaliya ka dagaalama inay ku dhaw yihiin bur bur, kadib culeysyo kala duwan oo ay la kulmeen.

War ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ayaa lagu sheegay Shabaabka inay la kulmeen dhabar jab weyn oo ku aadan weerarada dhanka cirka ah oo ay fuliyaan Dowladda Mareykanka.

Mareykanka waxa ay sheegeen weeraradii ugu dambeeyay ee dhanka cirka ah in lagu beegsaday Saraakiil muhiim ah oo ka tirsan Shabaab, gaar ahaan labo Sarkaal oo Shabaabka dhexdooda aad muhiim uga ahaa, marka loo eego howlihii Shabaabka ay u qaabilsanaayeen.

Duqeymaha ayaa dhacay horaantii Bishii May iyadoo kii igu dambeeyay uu dhacay 13-kii Bishii May waxaana lagu beegsaday Sagaal dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab Saddex ka mid ahna waxaa la sheegay in lagu dilay duqeyntaas dhammaan Afarta weerar ee Mareykanku ka geystay Somaliya Bishii May waxay ka dhaceen meelo fog oo hoos yimaada Deegaanada Shabaabka ay maamulaan.

Dhabarjabka weeraradaasi Shabaabka ay kala kulmeen ayaa la sheegay inay halis ugu jiraan bur bur ku yimaado, maadaama ay waayeen Saraakiil waaweyn oo dhanka Millateriga u qaabilsanaa.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Somaliya ayaa sheegay xilli aan fogeyn kooxda ay bur buri doonto marka la fiiriyo Khasaaraha ka soo gaaray Labadan hoggaamiye ee muhiimka u ahaa Al-shabaab sida warka ka soo baxay Mareykanka lagu sheegay.

Labada Hogaamiye ee Shabaabka laga dilay, ayaa lagu kala magacaabi jiray Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo Jubbooyinka lagu dilay iyo Macalin Daa’ud ninkii u qaabilsanaa dhanka Gaashaandhiga Shabaabka, kaasi oo isagana Duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay.

Inkastoo awoodii Shabaabka ee dhanka ciidanka iyo hubka weli ay yihiin sidoodi, ayaanan hadana la ogeyn hadalka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika sida uu dhab ku noqon doono, maadaama Shabaab weli ay u sii hanqal taagayaan sii wadista dagaalka ay kula jiraan ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-