DHAGEYSO:- Dowlada Zambia oo ka hadashay dad ku dhintay Xadka ay la wadaagto Congo

0

War ka soo baxay waaxda arimaha socdaalka dowladda Zambia ayaa looga hadlay dad dhawaan ku dhex geeriyootay container oo la sheegaya in qaar ka mid ah  ay ka soo jeedeen dalka Soomaaliya

Dowladda Zambia ayaa shaaca qaaday in ay dhinteen 19 qof oo kasoo jeeda dalka Itoobiya oo kaliya aysana jirin dad kasoo jeeda dalal kale oo ku dhintay containerkaas.

Warka kasoo baxay dowladda Zambia ayaa lagu sheegay in ay ka xuntahay dhacda xanuunka badan eek u dhacday dadka Muhaajiriinta ah ayna ka tacsiyeyaynayso dowladda Itoobiya.

Waxay dowladda Zambia ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay darawalkii waday gaariga ay dadkaasi ku dhinteen ayna sharciga horkeeni doonto,balse dowladda Zambia ayaa sheegtay in ay dadku Itoobiyaan oo kaliya ay yihiin aysana jirin dadka kale oo goobta ku geeriyooday.

Warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaliga ayaa dhawaan lagu sheegay in  xuduudka u dhaxeeya Zambia iyo Congo ay ku dhinteen 17 qof oo Soomaali ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-