DEG DEG:- Howlgallo lagu baadi goobayo raashiinka dhacay oo ka bilowday Gobolka Gedo

0

Kornell Maxamuud Guhaad Timo Jilac oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee degmada Baardheere ayaa sheegay in howlgallo ay sameeyeen saacadihii la soo dhaafay ay ku soo qabteen Raashiin dhacay.

Waxaa kale oo ay soo qabteen Ciidamadu Dawooyin dhacay iyo Shaqsiyaadkii ka gacansanayay Sida Korneelku xusay.

Sidoo kale Kornell Maxamuud Guhaad Timo Jilac ayaa hoosta ka xariiqay in dhawaan ay Raashiinkaas iyo Dawooyinka intaba ay gubaan.

Geesta kale Kornell Maxamuud Sheekh Cumar Taliyaha Qeybta Boliiska ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ka billaabeen degmada Garbahaareey howlgal ka dhan ah Raashiinka dhacay oo la rumeysan yahay in Hay’adda WFP ay gaarsiisay Gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay Taliyuhu in ay amar ku bixiyeen in Raashiinka dhacay iyo kuwa waqti kooban un u harsan yahay laga soo saaro Baqaarada degmada Garbahaareey.

Dhawaan ayey ahayd markii Raashiin dhacay oo la sheegay in loo siday Gobolka Gedo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.