DAAWO WAREYSI:- Michael keating oo ka hadlay Doorashada Soomaaliya iyo kaalinta QM

0

Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Amp Michael Keating oo waraysi xiiso badan siiyey Tv-ga Universal ayaa sheegay inay jiraan sadex qaybood oo waaweyn oo uu ku hawlgalo xafiiska QM ee Soomaaliya kuwaasoo kala ah geedi socodka Dawladnimadda gaar ahaana doorashooyinka sanadka qorshaysan inay ka dhacaan dalka, Xaqijinta amaanka wadanka iyadoo la taageerayo ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, iyo iyo Horumarinta dhaqaalaha oo ay kamid tahay ka hortaga dhibaatooyinka bini’aadanimo.

Iyadoo la waydiiyey waxyaabaha lataaban karo ee ay ka gaareen barnaamijyadooda ka socda Soomaaliya ayuu sheegay in wax badan u qabsoomeen mudadii uu xafiisku ka furaa Muqdisho, Wuxuuna intaa ku daray in QM qorshaynayso inay Soomaaliya ka taageerto isku filaansho Amaan hawlgalka AMISOM kadib.

Waraysiga Wariye C.xafiid Maxamuud Jaamac uu la yeeshay Michael Keating waxyaabaha uu kusoo qaaday waxaa kamid ah, qabyo qoraalka Dastuurka Soomaaliya, doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya oo uu ka walaacsan yahay musharaxnimada labada masuul ee u sareeya dalka, ciidamada Ethiopia ee kusugan dalka iyo arimo kale oo dhawr ah.

Hoos ka Daawo Muuqaalka Wareysiga:-