DAAWO:- Go’aan kale oo ka soo baxay Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Muqdisho

0

Kulan balaaran oo ay wada yeesheen odayaasha dhaqanka iyo weliba
waxgaradka  beelaha daarood ee ku dhaqan magaalada caasimada  muqdisho
ayaa si weyn uga soo horjeestay hadalka sheegaya xuquuq maleh gobolka
banaadir taasoo ay ku tilmaameen mid aan laga fiirsan iyagoo kasoo
saaray bayaan ka kooban shan qodob

1-waxay waxgaradka beeshu si cad u iftiiminayaan inaan marnaba ka
raali noqon doonin in muran laga abuuro ama la shaki geliyo xuquuqda
malaayiinka qof ee ku nool caasimda muqdisho ayna tahay lama taabtaan
saamigeeda aqalka sare

2-waxay beeshu si cad u tilmaamaysaa iyadoo la wadaagaysaa beelaha
walaalahood ah inay la garab taagan yihiin hiil iyo hooba xaq u
raadinta malaayiinka qof ee caasimda ku dhaqan

3-waxay beeshu ugu baaqaysaa beesha caalamka ,urur goboleedka igad iyo
cid walba oo danaysa is bedelka Somalia inaanay dhegaha ka furaysan
qaylo dhaanta odayaasha dhaqanka caasimada iyo maamulkooda

4-sidoo kale waxay beeshu si weyn uga soo horjeedaa waxaygana lihi
waxaagana kula lihi taasoo macnaheedu yahay in dakhliga dekedaha kasoo
baxa uu ku baxo cid gaar ah halka dakhliga caasimada dekedda iyo
canshuuraha beriga kasoo baxa ay ku hadaaqayaan in loo siman yahay

5-Geba gebadii waxay beeshu ugu baaqaysaa beelaha walaalohood ah ee ku
dhaqan caasimda inay ilaashadaan midnimadooda ,amnigooda iyo
madaxbanaanidoodaba kana fogaadaan wax kasta oo ku keeni kara qaybi oo
xukun ,taasoo ay madaxweynaha dowlada f somaliana ugu baaqeen inuu
masuul ka yahay qaranka oo dhan

Bayaankan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray in ka badan boqol
xubnood oo kasoo kala jeeda beelaha daarood ee ku sugan magaalada
caasimada ah ee muqdisho

Horay ayaa madaxda dowlada iyo kuwa maamulada gobalada oo ku shiray Muqdisho waxay isku fahmiwaayeen arintaan, ayadoo ilaa iyo hada aanan la shaacin qoondada magaalada Muqdisho ee dhismaha aqalka sare ee dalka.

Beelaha Hawiye ayaa horay u cadeeyay in Aqalka Sare aanan la dhisi karin iyadoo ay ka maqantahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana sidoo kale magaalada ka dhacay Banaanbaxyo balaaran oo lagu raadinayay xaqa Muqdisho.

Hoos ka Daawo go’aanka beelaha Hawiye:-

https://www.youtube.com/watch?v=-UEm681pxfQ