UPDATE:- Ciidamada Itoobiya oo howlgallo militari ka wada Gobolka Hiiraan

0

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in howlgallo militari ay Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka howlgalka AMISOM iyo kuwa Dowladda ka wadaan Degaano ka tirsan Gobolkaasi.

Ilo ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa Shabelle waxey u xaqiijiyeen in Degaanada u dhaxeeya Baladweyne iyo Buulo-burde ay howlgallo xoogan ka wadaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya kuwaasi oo la tilmaamay in ay ku doonayaan in Xarakada Al Shabaab ay uga saaraan Degaanada ay ku sugan yihiin.

Dhinaca kale, Degaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in howlgal militari oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab ay ka bilaawdeen.

Guddoomiyaha Degaanka Ceel-cali Yaroow Abiikar ayaa Shabelle u sheegay in ujeedka howlgalkaasi uu yahay mid lagu xaqiijinayo amaanka, sidoo kalena ay qorsheenayaan in Al Shabaab looga saaro Degaano ku yaalla Gobolkaasi.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ayaa howlgallo militaro waxey mararka qaarkood ka sameeyaan Degaano iyo Degmooyin dhaca Gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayee aheyd markii markii Xarakada Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Degaanka Halgan oo Saldhig militari ay ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.