TOP+DHAGEYSO:- Siyaasiga Cali Xaaji oo si weyn u Gorfeeyay Siyaasada Soomaaliya,Puntland iyo Doorashada Dalka ka dhaceysa

0

Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo horay wasiir uga soo noqday xukuumadda Madaxweynaha uu ka yahay C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay Doorashooyinka la filayo in sanadkan ay dalka ka dhacaan.

Siyaasi Cali Xaaji ayaa sheegay in Doorashada ay muhiim tahay in waqtigeeda ay dhacdo, isagoo sidoo kalena sheegay in Madaxda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada looga baahan yahay in ay u istaagaan Doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo.

Waxa uu ku baaqay in la ilaaliyo Taariikhda dalka Soomaaliya uu leeyahay si dalka Sharaftiisa ay u sii jirto.

Siyaasi Cali Xaaji oo hada ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in hadii ay suuragal tahay uu ka qeyb qaato Doorashada dalka ka dhaceysa isaga iyo siyaasiyiinta la midka ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO