Maxaa ka cusub weerarkii Qaraxyada iyo Dagaalka isugu jiray ee lagu qaaday AMISOM ?

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar iyo Qaraxyo  xoogan oo Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa ku biloowday Qaraxyo miino oo lagu beegsaday Kolonyadii ay wateen Xoogaga AMISOM, waxaana intaasi kadib Weerar gaadmo ahaa soo qaaday Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab.

Intaasi kadib ayaa labada dhinac waxaa Degaanka Goolweyn ee Gobolka Sh.Hoose ku dhexmaray Dagaal Culus oo ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 4 Ruux oo labo ka mid ah lagu sheegay Haween ayaa ku dhintay, 2 kalena dhaawac ayaa soo gaaray waxaana Dadka dhintay iyo kuwa dhawacmayba lagu sheegay Dad Shacab ah oo ku dhaqnaa Nawaaxiga Degaanka lagu Dagaalamay.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro kala duwan oo gaaray labada dhinac, inkastoo aan weli si rasmi ah loo cayimin.

Xoogaga AMISOM ee lagu weeraray Degaanka Goolweyn ayaa maalmo ka hor ka baxay Magaalada Muqdisho, waxaana ay ku wajahnaayeen Degmada Baraawe ee Gobolka Sh.Hoose.

Ilaa iyo hada ma jirto wax hadal ah oo ka soo kala baxay Saraakiisha Al Shabaab iyo Xoogaga Midowga Afrika ee AMISOM oo ku aadan Weerarkii ka dhacay Degaanka Goolweyn ee Gobolka Sh.Hoose.