Hay’ada MSF oo la wareegeyso dhaqaalaha Midowga Yurub

0

Hay’adda gargaarka caalamiga ee MSF, ayaa ku dhawaaqday inaysan wax dhaqaalo ah ka aqbali doonin Midowga Yurub iyo xubnihiisa.

Go’aanka hay’adda ay gaartay oo si degdeg ah u dhaqangeli doona, ayaa jawaab u ah wax ay ugu yeertay siyaasadaha qallafsan ee Midowga Yurub oo ujeedkoodu yahay in lagu joojiyo muhaajiriinta Yurub soo galaya.

Xoghayaha guud ee MSF, Jerome Oberreit, ayaa sheegay inaysan u dhaweyn siyaasadahan bani’aadamnimo, ayna tahay in laga hortago.

Dhinaca kale, muhaajiriin ka badan 200, ayaa laga soo badbaadiyay markab ku dagayay badda Mediterranean. Haweeney uur leh, ayaa ka mid aheyd dadka la soo badbaadiyay oo wax yar kaddib umushay, kaddib markii la saaray markab Netherland laga leeyahay oo u shaqeynayay hay’adda ilaalisa xuduudaha Yurub ee Frontex.

Waa badbaadintii labaad oo laga sameeyo meel ka baxsan biyaha jasiiradda Griigga ee Crete 24 saac gudahood. Muhaajiriinta, ayaa loo qaaday Talyaaniga.