Faah faahino ka soo baxaya dagaal AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhex maray duleedka Baraawe

0

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo AMISOM oo saaka ka dhacay duleedka degmada Baraawe, iyadoo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii kolonyo ciidamada AMISOM lala eegtay qarax miino, iyadoo kadib uu bilowday dagaal culus.

Wararka ayaa sheegaya in Kolonyada Ciidamada AMISOM ay waxyeelo soo gaartay, waxaana dagaalka ka dhacay duleedka Baraawe uu qaatay saacado.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre Maxamed ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus, isla markaana khasaare kala duwan uu sababay.

“Kolonyo ciidamada AMISOM oo shalay ka soo baxay Muqdisho ayaa saaka waxaa qarax lagula eegtay duleedka Baraawe, halkaas dagaal culus ayaa ka dhacay, saacado badan ayuu socday”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Baraawe.

Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in gaari ciidamada AMISOM ay gubeen, isla markaana tobaneeyo askari ay ka dileen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay AMISOM oo ku aadan dagaalka saaka ku qabsaday inta u dhaxeysa Baraawe iyo Buulo Mareer.