DHACDO CUSUB:- Ciidamada Dowlada oo xalay dhac ka geystay Masaajid ku yaala Magaalada Muqdisho

0

Waxaa Xalay Xaafada Buulo Wagac ee degmada Hodan ka dhacay dhac nuuc cusub ah dadkuna aad ula yabaeen, kadib markii rag ku labisnaa dareeska Ciidanka Dowlada ay dhac ka geesteen masaajid kuyaala xaafadaasi.

Goobjooge ayaa noo sheegay in afar nin oo qaarkood ay ku labisnaayeen dareeska ciidanka Dowlada ay galeen Masaajid kuyaala Xaafada Buulo Wagac xili ay dadku taraawiix dukanayeen, waxa ayna ragan hubeesan banaanka usoo saareen dhamaan dadkii masjidka ku dukanayay.

Raga hubeesan ayaa markii dhamaan dadka banaanka usoo saareen ayaa waxa ay ku amreen in darbiga gacmaha saaraan waxa ayna xiligaa kadib ku dhaqaaqeen baaritaan iyo dhac iyagoona halkaasi uga qaatay dadkii ay masjidka ay kasoo saareen moobiladii ay wateen.

”Walaal Xalay dhac nagu cusub oon waligey arag ayaan ka dhacday xaafadeena, ciidan hubeesan oo qoryo iyo bistooladi wata ayaa masaajidka Quraca ee xaafada Buulo Wagac soo galay, waxa ay banaanka usoo saareen dadkii dukanayay waxa ayna ku amreen in gacmaha darbiga saaraan, kadibna baarasho ayey u galeen, waxa ayna halkaasi ku qaateen moobeelo badan” Ayuu yiri goobjoogahan.

Dhacan Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid aad loola yaabay kuna cusub magaalada, waxaana arintan ay cabsi badan ku beereysa dadka ku dhaqan xaafado kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha ku dhaw dhaw Isgooska Albaraka ee Degmada Hodan.