DEG DEG:- Warar Xasaasi oo ka soo baxaya kulan ka dhacay Magaalada Baladweyne

0

Wararka laga helayo Degamada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Degmadaasi ay xal ka gaareen Xiisad ka dhalatay xil ka qaadis dhawaan lagu sameeyay Guddoomiyihii Degmada Buulo-burde, C/casiis Duuroow Cabdi.

Odayaasha Dhaqanka ayaa ku guuleystay in C/casiis Duuroow Cabdi ay ka saaraan Xarunta Maamulka Degmada Buulo-burde, kaasi oo maalmihii dambe diidanaa xil ka qaadistaasi.

C/kariin Dhicisoow Wehliyo oo ka mid ah Waxgaradkii ka qeyb galay Kulankaasi ayaa sheegay in ay xal ka gaareen xiisadaasi ka aloonsneyd Degmada Buulo-burde, waxuuna tilmaamay in Xarunta Degmada ay imaan doonaan Xubno ka socda Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliy.

Dhinaca kale, Ilo lagu kalsoonaan karo oo la hadlay Warbaahinta qaar ayaa xusay in xilka laga qaaday Guddoomiye C/casiis Duuroow Cabdi loo magacaabay Xasan Nuur Maxamed kaasi oo noqonaya Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Degmada Buulo-burde.

Guddoomiyaha Cusub ayaa lagu soo waramayaa in haatan uu sii wadayo shaqada Maamulka Degmada Buulo-burde.

Magaalada Buulo-burde ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka socda Maamulka Gobolka Hiiraan oo maalmihii ugu dambeeyay halkaasi ka waday xalinta xiisad iyo saan saan colaadeed oo ka jirtay Degmada Buulo-burde ee bartamaha Dalka Soomaaliya.