Boliiska Zambia “18 Tahriibiyaal Soomaali ah ayaa geeryootey”

0

War ka soo baxay Booliska dalka Zambia ayaa lagu sheegay in 18 qof oo Soomaali ah ay geeriyoodeen kuwaas oo ahaa Tahriib, waxaana ay qayb ka ahaayeen dad badan oo lagu soo qariyey Gaari xanbaarsanaa Konteendher lagu wadey Kaluun. Gaariga ayaa ka diiwaan gashanaa dalka Zambia.

Dhacadadan ayaa ka dhacdey xadka dalka Koongo Kishansa. Booliska ayaa sheegay in Konteendherka lagu soo gurey 44 qof oo Tahriib ah kadib markii neeftu ku dhegtey ay bilaabeen in ay garaacaan Konteendherka.

Waxaa xabsiga la dhigey dareewaladii wadey Gaariga iyo 16 kale oo ka badbaadey kuwaas oo ka mid ahaa dadkii Tahriibta ah, waxaana ku socda baaritaano.

Dadka Tahriibka ah ayaa la aaminsan yahay in ay doonayeen in ay u sii gudbaan dalalka dhaca Koonfurta.