AKHRISO: Magacyada Guddiga Doorashooyinka ee loo gudbiyay Beesha Caalamka

0

Sida ay wararku sheegayaan xubno ka kooban 22 xubnood ayaa waxaa loo gudbiyay Beesha Caalamka, kuwaas oo dowladda federaalka ay sheegtay in ay yihiin Guddiga Doorashooyinka.

22-ka xubnood ayaa 10 xubnood waxa ay matalayaan Maamul Goboleedyada taas oo Labo xubnood ay ka timid Maamul Goboleedyada halka xubno kale la tilmaamay in ay yihiin Aqoonyahano.

Waxaa wararka kale ay sheegayaan in 5 kamid ah Golaha Wasiirada ee xilligan xilka haya ay ku jiraan xubnahaasi.

Magacyada Guddiga Doorashada Heer Federaal, ee uu Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

1-Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa, Wasiir DFS

2-Maxamed Jaamac Mursal, Wasiir DFS

3-Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Wasiir DFS

4-Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiir DFS

5-Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir DFS

6-Saalax Axmed Jaamac , Aqoonyahan

7-Maxamed Kaynaan , Aqoonyahan

8-Nafiisa Geedi Santuur, Aqoonyahan

9-Cabdiraxmaan Xaashow , Aqoonyahan

10-Barlin Cadami , Aqoonyahan

11-Cabduweli Xirsi Cabdulle , Wasiir Puntland

12-Saadiq Abshir Garaad , Aqoonyahan PL

13-Aadam Ibraahim Aw-xirsi , Wasiir Jubaland

14-Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib, Aqoonyahan JL

15-Cabdiraxmaan Aadan sate , Wasiir Koonfur Galbeed

16-Maxamed Cabdi Nuur, Aqoonyahan KG

17-Xuseen Qaasim Yuusuf , Wasiir Galmudug

18-Cabdulaahi Salaad Yarow, Aqoonyahan GM

19-Axmed Maxamed Siciid, Somaliland

20-Fardowsa Maxamed Ducaale , Somaliland

21-Aamina Cabdulaahi Dheerow, Gobolka Hiiraan

22-Raaxo Maxamed Janaqow, Gobolka Sh/dhexe.

Waa 22 Xubnood, 5waa wasiiro Dowladda Federaalka ah, 5 waa Aqoonyahano, Maamul Goboleedyaduna waxa ay soo dirsadeen midkiiba 2 xubnood oo uu midi wasiir yahay. Soomaaliland waxaa loo qoray labo qof. Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe , midkasta Hal xubin ayaa u qoran.

Magacaabista Guddidagan waa bilowga Hanaanka Doorashada la wada sugayo , Maamul Goboleedyada ayaa iyagana midkasta magacaabaya Guddiyo doorasho oo heer Maamul Goboleed ah kuwaasi oo ka kooban 8 xubnood , Dowladda Federaalka ayaa 3 xubnood ku yeelanaysa Guddi kasta oo heer maamul Goboleed ah.