XOG+WAR AAN LA FILEYN:- Waa kuma Shaqsiga lagu wado in uu noqdo Taliyaha ciidamada Sirdoonka & Nabadsugidda ee Soomaaliya ?

0

Warar hoose oo ay heshay Saxaafada ayaa waxay cadeynayaan in uu Ra`iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake uu soo jeediyey in si deg deg ah xilka taliyaha ciidamada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ugu magacaabo shaqsi kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka ee hadda jira.

RW Sharmaake wuxuu soo jeediyey kahor intii usan ka dhoofin magaalada Muqdisho in xilkaas loo magacaabo Xildhibaan Mustafe Dhuxulow oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu maalmo ka hor shaqadii ka ceyriyey taliyihii hore ee Nabadsugidda Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare, iyadoo uu dhex dabaalanayey fadeexado culus oo ku aadan habka loo agaasimay Shaqadii Hay’addan.

In la magacaabo Mustafe Dhuxulow waxaa si weyn u diidan Madaxweynaha dawladda Faderaalka & Shaqsiyaad kale oo kamid ah Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, maadaama aysan kooxda DAMU JADIID ogoleyn in cid kale loo dhiibo Xilka taliska Nabadsugiddan.

Laakiin Hay’addaha Sirdoonka ee taageera Soomaaliya waxay sheegeen in aysan aqbali doonin in la keeno shaqsiyaad cusub oo haddana ay keenen Aqalka Madaxtooyada ee Soomaaliya, iyadoo horey loo og yahay in fadeexado badan ay dhex fadhido Hay’adda Nabadsugidda ee dawladda Faderaalka.