XASAASI:- Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka digay Fursad ay heli karaan Al-Shabaab iyo Dhibaatada la kala kulmi karo Dhalinyarada qaxootiga ee dalka dib loogu soo celinaayo

0

Isagoo wareysi siinayay Wargeyska Washinton-Post ee ka soo baxa Dalka Mareykanka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxuu ka digay soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxuu tilmaamay in soo celinta Qaxootiga aysan dan amni ugu jirin labada Dowladdooda waxuuna sheegay in Qaxootiga la soo celinayo ay ku jiraan Dhalinyaro badan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Ra’iisul Wasare Cumar waxuu carabka ku dhiftay in dhalinyarada laga soo celinayo Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ay ku biiri karaan Xarakada Al Shabaab, iyadoo taasina uu ku micneeyay dhibaato amni oo ku soo food leh Dalalka Kenya iyo Somalia.

“Ma dooneyno in Kenya xiligan ay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ay ka soo saarto Boqolaal Kun oo Qaxooti ah kuwaas oo Nolol ay ku qanacsan yihiin ku heysta Xeradaasi” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Dowladda Kenya ayaa cambaareyn xoogan la kulantay kadib markii ay ku dhawaaqday in dhawaan la xiri doono Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

Kenya ayaa ku andocooneysa in sababo amaan ay albaabada isgu laabeyso Xerada Dhadhaab, waxaana sidoo kale Madaxda Kenya ay shaaciyeen Weeraro dhowr ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Kenya in laga soo qorsheeyay Xerada ugu weyn Aduunka ee Dhadhaab.