Wasaradda waxbarashada Puntland oo Garowe ku xustey maalinta carruurta Africa

0

Wasaaradda waxbarashada, tacliinta sare iyo barbaarinta ubadka ee dowladda Puntland oo kaashanaysay wasaaradda haweenka iyo arrimaa qoyska ayaa maanta Garowe ku qabatay munaasabad lagu maamuusayay maalinta caalamiga ah ee carruurta Afrika, taasoo sanad walba ku beegan 16 bisha June.

Xuskaan oo lagu qabtay xarunta jaamacadda bariga Afrika ee Garowe, ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxda labada wasaaraddood, wakiilo ka socday hay’addaha Unicef, Wolrd Vision, Care, carruur yaryar iyo mati sharaf kale, kuwaas oo madasha ka jeediyay qudbado ku saabsanaa muhiimada ilaalinta xuquuqda carruurta.

Wasiirka waxbarashada Dr. Abshir Yuusuf Ciise oo ka hadlayay xuskaan ayaa sheegay Puntland inay usoo jeedo horumarinta carruurta, si mustaqbalka loo helo jiil wanaagsan oo waxbartay, wuxuuna intaas ku daray inay labada wasaaraddooda si dhow ula socdaan xaaladaha carruurta iyo ka warqabkooda guud.

Wasiirka haweenka Puntland Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin ayaa ugu baaqday waalidiinta Sooomaaliyeed inay carruurtooda dhiiri galiyaan islamarkaana aysan u ciqaabin qaladaadka yaryarka ah, waxayna intaas ku dartay inay dhawaan sameyndoonaan daraasad lagu sameynayo sababaha keena inay carruurtu dayacmaan.

Maalinta carruurta Afrika ayaa xuskeedu wuxuu kasoo bilaabmay sanadkii 1991, si loo xasuusto xasuuqii weynaa ee sanadkii 1976 magaalada Suweto ee dalka koonfur Afrika loogu geystay carruur u mudaharaadayey inay helaan xaquuqdooda waxbarasho iyo inay wax ku bartaan luqadooda hooyo.