WAR DEG DEG:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo caafimaad u aaday dalka Jarmalka iyo Sababta Baaritaanka oo Doorashada lala xiriirinaayo

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrimo caafimaad u aaday dalka Jarmalka, halkaasoo sanadkii hore sidan oo kale baaritaan caafimaad u tagay.

Sida ay sheegayaan warar ay heleyso Warbaahinta Madaxweynaha ayaa la balansan dhaqtarkiisa ku sugan magaalada Berlin.

Madaxweynaha ayaa xaaladiisa ay tahay mid caadi ah, balse waxaa uu marayaa baaritaan caafimaad oo caadi ah, maadaama ay ku soo fool leedahay howlo culus oo ay ka mid tahay doorashada sanadkan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wali wax war ah ka soo saarin safarka caafimaad ee uu Madaxweynuhu u aaday dalka Jarmalka.

Sanadkii hore ayaa markii Madaxweynaha howlo caafimaad u aaday dalka Jarmalka ayaa wareysi uu xilligaas siiyay BBC-da waxaa uu ku sheegay in baaritaan caafimaad in la maro ay tahay mid muhiim ah, maadaama uu muddo xafiiska joogay.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maalinta sabtida uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Waa markii labaad oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh howlo caafimaad u aadayo dalka Jarmalka.