WAR DEG DEG:- Maamulka Puntland oo bilaabay Maxkamadaynta Maxaabiistii lagu qabtay Dagaalkii Alshabaab ee Bishii Maarso.

0

Dawladda Puntland ayaa bilowday Maxkamadaynta Maleeshiyaadkii Kooxda Alshabaab ee lagu qabtay dagaalkii dhacay Bishii Maarso ee sanadkaa kaas oo ka dhacay qaar ka mid ah Xeebaha Gobolada Mudug iyo Nugaal.

Maxkamadaynta Maleeshiyaadka ayaa la sheegay inay ka bilaabatay xabsiga Garoowe oo fariisin ay ku leedahay maxkamada ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus.

Warbaahintu kama qaybgalin maxkamadaynta, waxaana la sheegay in raga waawayn la maxkamdaynayo maadaama dagaalka lagu qabtay caruur aan qaan gaar ahayn.

Qareeno u dooda Maxaabiista ayaa Puntland u qabatay, waxaana Alshabaabka gacanta lagu hayo xeer ilaalintu ay kusoo oogaysaa dambiyada ay galeen, iyadoona qareenadooduna ay difaacayaan.

Dawladda Puntland ayaa horay u sheegtay in maxaabiista qaangaar ah ay sharciga marsiin doonto.