WAR DEG DEG:- 10-Ruux oo ku geeriyootay degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saacadihii la soo dhaafay inkabadan 10 qof cudurka Shuban  Biyoodka ay ugu geeriyoodeen degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa soo warinaya in sidoo kale ay jiraan Tobanaan qof kale oo cudurkaasi kula il daran degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Dadka uu soo ritay cudurkaan ayaa inta badan la sheegay in laga keenay Tuulooyinka hoostaga degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Waxaana dadka u geeriyooday Cudurkaas ay isugu jireen Caruur iyo Haween sida uu Shabelle u xaqiijiyay Idiris Nuur.

Si kastaba Saraakiisha Caafimaadka ee degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa la tacaalaya dhibanayaashaasi uu soo ritay Cudurka Shuban Biyoodka.