TOP NEWS:- Maxaa ka soo baxay Kulankii dhex maray Odayaasha Dhaqanka Gobolka Gedo iyo Saraakiisha Ciidamada Kenya

0

Nabadoon Axmed Geedi Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Gedo ayaa Warbaahinta gudaha uga warbixiyay kulan natiijo la’aan ku soo idlaaday oo Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Gedo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya ku yeesheen Xadka ay wadaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Nabadoonka ayaa sidoo kale waxuu tilmaamay in Saraakiisha Kenya ay u sheegeen Odayaasha Dhaqanka in amar lagu siiyay xeritaanka Xadka ay wadaagaan Wadamada Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo keentay sida uu carabka ku adkeeyay Nabadoonka in ay Shirkaasi isaga baxaan islamarkaana uu fashil ku soo idlaado.

Geesta kale, Nabadoon Axmed Geedi Cali ayaa xusay in Odayaasha Dhaqanka ay ka go’an tahay in aysan Shacabkooda u soo qaadin waxyaabaha xadgudubka ku ah, islamarkaana aysan aqbali doonin in Dadka Degaanka la duudsiiyo Xaqooda.

Kulankan ay kula tageen Odayaasha Dhaqanka Gobolka Gedo iyo Saraakiisha Kenya ayaa waxuu daba socdaa Darbiga dhawaan Dowladda Kenya ay shaacisay in laga dhisayo Xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.