TOOS U DHAGEYSO:- Madaxweyne Gaas oo Fariin ku saabsan Xaalada Siyaasadeed ee Dalka u diray Xasan Sheekh

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa fariin u diray madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, taas oo ku aadan xaaladda Siyaasaded ee dalku marayo iyo sida loogu baahan yahay in si deg deg ah loo dhameystiro qorshaha la xariira doorashada Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in laga soo gudbay marxalad adag oo ays oo martay Soomaaliya, haddana ay waajib tahay in doorashada waqtigeeda loo qorsheeyo.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay Madashada Wadatashiga ay horey ugu heshiiyeen in laga dhigo meelmar, si dalka ay doorasho uga dhacdo marka la gaaro bisha Agoosto ee fooda nagu soo haysa.

Puntland waxay si adag u diidan tahay qorshaha la xariira wax ka bedel lagu sameeyo arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyadoo la g yahay in shalay wax badan la bedelay.

HALKAAN KA DHAGEYSO