TOOS U DHAGEYSO:- Faah faahin laga helayo Shil Gaari oo ka dhacay Sanaag

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa khasare ka dhashay shil Gaari oo ka dhacay gobolka Sanaag ee Puntland, waxaana shilkaasi uu sababay khasaare farabadan oo dhaawac ah.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in gaariga uu siday dad ka badan 150 qof oo kuligood ka soo jeeda Qowmiyadda oromadda, waxaana Gaariga uu ka yimid deegaanka oog ee Soomaaliland isagoo ku ku sii jeeday degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Shaqaalaha caafimaadka gobolkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markii ay ogaadeen shilka ay goobta ugu yimaadeen tiro ka badan 20 qof oo dhaawac ah qaarkoodna ay yihiin kuwo shilka ku waayay xubno muhiim ah.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in dhaawaca dadkaas loo soo qaaday magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan  Magaalada Boosaaso iyo qaarkood oo la gaarsiiyay magaalada Qardho.

Dadka uu qabsaday shilka ayaa ahaa kuligood oromo damacsaneyd in ay ka tahriibaan xeebaha gobolka Bari iyadoo ay wadeen kooxo muqalisiin ah sida ay sheegayaan dad ka tirsan gobolka.

HALKAAN KA DHAGEYSO