SAWIRRO:- Roobab saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka oo Muqdisho ka da’aya

0

Magaalada Muqdisho, saaka ilaa xilligan oo Duhur ah waxaa ka da’aya roobab xoogan oo saameyn ku yeeshay Shaqooyinkii iyo isu socodkii dadka iyo gaadiidka.

Roobka ayaa biloowday waaberigii saaka, wuxuuna ilaa hada ka da’ayaa Magaalada Muqdisho iyo daafaheeda oo dadka waxa ay dareemayaan Raxmada roobka.

Kasokoow in dadka ay ku qabowsadeen raxmada Roobka, ayaa hadana waxaa jirta saameyn kala duwan oo roobkaan ku reebay Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho.

Saameynta ugu badan ee roobka uu reebay ayaa ah in isu socodkii gaadiidka ay istaageen maadaama wadooyinka qaar ee caasimada ay biyo badan fariistaan oo gaadiidka aysan mari karin.

Sidoo kale suuqyada Magaalada Muqdisho waxaa ku yar ganacsiga maanta ka jira, maadaama dadka aysan guryahooda ka soo bixin oo roobka uu saameeyay.

Qaar ka mid ah ganacstada ku nool Magaalada Muqdisho ayaa sheega maanta inay dareemayaan saameynta uu reebay roobka ka da’aayo Magaalada.

Wadada Maka Al-Mukarama oo ah wadada ugu mashquulka badan Magaalada ayaa meelaha qaar waxaa fadhiya biyo badan, gaadiidkana kuma dhiiran karaan inay maraan halkaasi.

Sidoo kale roobkaan ayaa saameyn ku yeeshay dadka Barakacayaasha ah ee Magaalada ku nool oo aanan haysan meel ay ganbaad kaga galaan roobka da’aayo.

1 2