NAXDIN+SAWIRRO:- Tahriibiyaal Soomaali ah oo ku dhintay Wadanka Tanzania

0

Wakaalada wararka Tanzania ayaa shaacisay in 15 tahriibayaal Soomaali ah ay ku dhinteen Konteenar lagu xiray, oo ku wajahnaa dalka Simbabwe.

Konteenarkaan ayaa la sheegay inay la socdeen 50 Soomaali ah oo doonayay inay si sharci darro ku galaan dalka Simbabwe, waxaana dhimashada dadkaan la ogaaday markii boolisku maqlay cod kasoo yeerayay Konteenarka gudahiisa kadibna waxaana  darawalka lagu amray inuu furo.

Booliska ayaa sheegay in Konteenar xagiisa hore lagusoo raray jawaano digir ah, halka dambena waxay sheegeen in lagusoo qariyay tahriibayaasha Soomalida, si aan looga shakin.

30 kamid ah dadka badbaaday ayaa lagasoo xigtay inay sheegeen in Konteenarkaan ay la socdeen uusan ahayn midkii ay kasoo raaceen dalka Tanzania, waxayna booliska u sheegay midkaan inuusan lahayn hawo, taasoo sababtay rakaabka ay u dhintaan cabur.

Darawalka gaarigaan waday  ayaa lagu hayaa xuduuuda Kongo xiga.

1