Maalinta Caruurta Afrika oo Muqdisho laga xusay

0

Magaalada Muqdisho, maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu xusaayay Maalinta Caruurta Afrika oo ku beegan 16-ka June maanta oo kale.

Munaasabada lagu xusaayay Xafladan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Haweenka Iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Somaliya.

Madax ka socotay Amisom ayaa ka soo qaybgashay Munaasabada oo si aad ah loogu falan qeeyay Caruurta Afrika iyo caqabadaha kala duwan ee xilligaan haysta.

Madaxii ka qaybgashay Munaasabada ayaa si aad ah uga hadlay dhibaatooyinka kala duwan ee haysta caruurta Afrika oo ugu horeyso Waxbarasho la’aan iyo dhanka nabadgelyada.

Wasiirka haweenka Xukuumadda Somaliya Sahra Cali Samatar, ayaa sheegtay Caruurta Somaliyed inay u baahan yihiin helida waxbarasho lacag la’aan ah, si aqoontooda Sare loogu qaado.

Maalinta Caruurta Afrika ayaa loo dabaaldegay,  markii ugu horeysay  bishii June sanadkii 1991-kii xilligaas oo uu bilaabay Ururka Midowga Afrika.