FAAHFAAHIN:- Wararkii ugu dambeeyay Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo hakad galay

0

Waxaa maanta hakad galay dhowr duulimaad oo imaan lahaa Garoonka Caalamigaa ee Magaalada Muqdisho Aadan Cadde Airport, waxaana saamayn xoogan ku yeeshay roobab iyo cimilada oo laga cabsaday  awgeed.

Diyaaradaha duulimaadkoodiii Muqdisho maanta baajiyay waxaa ka mid ah diyaarada Turkish Airways iyo diyaarado dhowr ah oo qaad ka keeni jiray magaalada Nairobi ee dalka kenya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka da’ay roob sacado badan socday, kaas oo aan la sheegin khasaare uu gaystay balse marka laga soo tago hawlaha duulimaadyada ee hakadka galay maanta, waxaa kaloo uu saameeyay isusocodkii iyo Ganacsigii Caasimada Muqdisho.