DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Dib u dhac iyo Walwal laga qabo inuu ku yimaado doorashooyinka Soomaaliya

0

Waxaa soo baxaya walaac laga qabo in doorashada aqallada baarlamaanka iyo tan hoggaanka dalka ee Soomaaliya ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay oo ah bilaha August iyo September ee sannadkan.

Waxaa jirta in weli aan la dhamaystirin bartilmaameedyo farsamo oo muhiim u ah qabashada doorashada sida wax ka beddelaadda dastuurka; guddiyada doorashada, soo xulista ergooyinka iyo muranka ka taagan maqaamka Muqdisho.

Madaxda madasha qaran oo ka kooban kuwa dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa toddobaadka dambe ku shiraya magaalada Baydhaba, si ay arrimaha uga hadlaan.

Haddaba intee ayey la’eg tahay suurtgalnimada in doorashada Soomaaliya ay waqtigeeda ku qabsoomi weydo? Maxaase ka iman kara?

Matt Bryden oo madax ka ah Xarunta Cilmi-baarista Sahan Research ayaa arimahaasi VOA Laanteeda Af-Soomaaliga kaga waramay