DAAWO VIDEO XASAASI AH:- Itoobiya oo soo bandhigtay Muuqaalka Dagaalkii Halgan ee Jabka Al- Shabaab

0

Warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa baahisey muuqaalo muujinaya dagaalkii ay kooxda Al- Shabaab ku qaaday deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan oo ay saldhig ciidan oo weyn ku lahaayeen ciidamada dawladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Wariye katirsan warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa tagay Halgan, wuxuu soo duubay warbixin meelo badan taabanaysa, si gaar ahna wuxuu u booqday meydadkii laga dilay Al- Shabaab & dagaalkii oo soccdey.

Horey Haddii aad u taqaanay Al- Shabaab soo bandhiga jabka ay u geystaan ciidamada AMISOM, hadda waa laga baray laga baddi, waxaana lasoo bandhigay Saraakiil Shabaab ah oo aan u dhalan Soomaaliya kuwaas oo meydkooda la dhigay banaanka deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan.

HALKAAN KA DAAWO