DAAWO VIDEO:- Hay’adda waddooyinka PL Oo soo gabagabeysay Sahanka laamiga isku xira Garoowe & Gaalkacyo si dib loogu dayactiro, una adeegsatay qalab casri ah

0

Hay’adda waddooyinka dawladda Puntland ee PHA-NESHA ayaa soo gabagabaysay sahankii ugu dambeeyay ee laamiga isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo kaas oo dhawaan Hay’adda iyo Midowga Yurub ay bilaabi doonaan mashruuca dib u laamiyeynta iyo dayactirka Laamiga.

Hay’adda ayaa sahankaan u adeegsatay Kaamiradaha ku xiran diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone Camera), taas oo ka dhigan in Puntland ay noqotay dalkii labaad ee Geeska Africa ku yaalla oo qalabkaan u adeegsada sahanka waddooyinka.

Xafiiska Warfaafinta ee PHA-NESHA ayaa soo bandhigay muuqaal ka turjumaya qaabkii sahanka loogu adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee (Drones Camera).

HALKAAN KA DAAWO