Ciidamada Dowlada oo Gacanta ku soo dhigay Dad looga shakisan yahay inay ka dambeeyaan Dilka masuul ka tirsanaa Gobolka Banaadir

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dad u soo qab qabtay dil Degmada Dharkiinley loogu geystay Agaasimihii kormeerka gobolka Banaadir C/laahi Ibraahim Liibaan.

Howgal ciidamada dowladda Soomaaliya ay sameeyeen ayaa waxa ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo looga shakiyay in ay ka dambeeyeen dilka Marxuumka.

C/llaahi Ibraahim oo ahaa masuulka la toogtay ayaa waxaa lala dilay nin ay saaxiibo ahaayeen oo la socday xilli ay ku sugnaayeen qeybo ka mid ah degmada Dharkiinley.

Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Dharkiinley, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in dilka marxuumka ay u soo qab qabteen tiro dad ah.

Marxuum C/llaahi Ibraahim ayaa mar soo noqday gudoomiye ku-xigeenka degmada Dharkiinley, waxaana dhowaan loo magacaabay xilka Agaasimaha kormeerka degmooyinka maamulka Gobolka Banaadir.

Degmada Dharkinley ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay dilalka loo geysanayay shaqsiyaadka ka tirsan dowladda Soomaaliya.