WAR DEG DEG AH: Soomaali Gobalka Taxas Afduub Ka Gaystay Oo La Toogtay.

0

AMARILLO, (USA) – Booliska Mareykana ayaa dilay nin Soomaali ah oo hubeysan, kaasoo gudaha u galay dukaanka weyn ee shirkadda Walmert, kuna yaala magaalada Amarillo ee gobolka Texas dalka Maraykanka.

Warbaahinta gudaha ee gobolka Texas ayaa sheegaysa in ninka afduubka geystay uu ahaa Soomaali isagoo dalabanyey in qaxooti ahaan loo qaabilo markii hay’adda socdaalka Mareykanka ay u diiday.

Ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran SWAT Team oo goobta tegay ayaa toogasho ku dilay ninka hubeysnaa.

Booliska Magaalada Amarillo ayaa bartooda Twitter ku sheegay in dadkii la afduubtey ay bad qabaan lana diley qofkii afduubka geystay.

Faahfaahin lagama bixin heynta ninkan asalkiisa Soomaaliga yahay ee falkan ku kacay, waxaana dalka Mareykanka ka jira xaalad ammaan oo adag.

C/risaaq IndhaJaceyl